Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Dalka Imaaraadka.

0

xasan-itoobiyo_6Dubai (AGGM): Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdigiisa oo Maalmahaan shirka Jaamacada Carabta ugu qeyb galaayay Magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa maanta gaaray dalka isu tagga Imaaraadka Carabta.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi, iyadoona la filayo in saacadaha soo socda ay kulamo kala gedisan la qaataan Madaxda dalka Isu taga Imaaraadka Carabta oo ay ka heleen casuumaad rasmi ah.

Madaxweyne Xasan ayaa la filaya in Madaxda dalka isu tagga Imaaraadka Carabta ay ka wada hadlaan Arrimo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, iskaashi caalami ah oo dhex mara iyo taageero dhinac waliba ah oo dowlada Soomaaliya la siiyo.

Ka hor inta uusan ka duulin Madaxweyne Xasan dalka Qatar ayaa waxa uu habeenkii xalay ahaa halkaasi kulamo kula qaatay Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalkaasi, isagoona ugu warbixiyay xaaladihii ugu danbeeyay ee dalka Soomaaliya.

Marti qaadka uu Madaxweynaha Soomaaliya ku gaaray dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxa uu kusoo beegmaya xilli dhawaan ee dowlada dalkaasi shaacisay in Dekkada Magaalada Muqdisho ay la mataaneen doonto dekkada dalkooda, isla markaana ay ka her-gelin doonto dhismooyin caalami ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com