Maamulka Magaalada Cabuudwaaq Oo Kulan La Qaatay Hay’adaha Samafalka Ee Ka Howlgala Magaaladaasi.

0

caabudwaaqCaabudwaaq (AGGM): Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa kulan la qaatay Mas’uuliyiinta hay’adaha samafalka ee ka howlgala magaaladaasi,  ayadoo kulankaasina looga wada hadlay sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku tabaaleeysan magaaladaasi iyo nawaaxigeeda.

Kulanka maamulka cusub ee degmada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud uu la qaatay mas’uuliyiinta hey’adaha ka howlgala degmadaasi ayaa loogga hadlayay waxqabadka hey’adaha Samafalka mudadii ay ka howlgalayeen degmadaasi iyo nawaaxigeeda iyo wax loogu qabanlahaa dadka ku tabaaleysan degamda.

Xubno ka tirsan maamulka degmadaasi oo kulanka kadib saxaafada la hadlay ayaa Sheegay in mas’uuliyiinta hey’adaha ay ka codsadeen iney usoo gudbiyaan Waxqabadkooda mudadii ay joogeen degmadaasi iyo mashaariicda kale u qorsheysan Iney ka fuliyaan degmadaasi.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta hey’adaha ayaa dhinacooda waxa ay soo dhaweeyeen isbarashada iyo kulanka dhexmaray iyaga iyo mas’uuliyiinta maamulka degamada Cabuudwaaq,  iyagoo xusay iney gaareen is afgarad buuxa.

Maamulka degmadaasi oo dhawaan la magacaabay ayaa waxa uu wadaa dadaalo ku aadan hagaajinta howlaha maamulka iyo dardargelinata adeegyada bulashadhada.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com