Afhayeenka AMISOM Oo Sheegay In Dhowaan Dalka La Keenayo Ciidamo Ka Socda Dalka Siraaliyoon.

0

xaamudMuqdisho (AGGM):Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM Cali Aadan Xumid oo maanta shir jaraa’id ku qabtay taliska ciidamada AMISOM ee xalane ayaa waxa uu ka hadlay howlihi u dambeeyay oo ay ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya kasameeyeen iyo howlgalka amniga.

U jeedada shirka jaraa’id ee uu maanta afhayeenka AMISOM qabtay ayaa waxa ay aheyd Afar  qodob oo kala ah ka warbixinta amniga Muqdisho iyo gobollada, shaacinta ciidamo siriliyoon kasocda oo Soomaaliya la keenayo, bixitaanka ciidanka dowladda Ethiopia iyo tababarka ciidamada qalabka qalabka sida ee Soomaaliya.

Mudane Cali Aadan Xumid oo ugu horeyn ka hadlayay amaanka magaalada Muqdisho iyo gobollada ay ciidamada AMISOM kusuganyihiin ayaa waxa uu sheegay in ay door wanaagsan ka qaateen nabad galyada magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobollada dalka islamarkaana uu iminka amaanka sidii hore ka soo wanaagsanaanaya.

Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa tilmaamay in dhowaan Soomaaliya imaan doonaan ciidamo ka socda dowladda Siriliyoon kuwaas oo ka mid ah howlgalka AMISOM tiradooduna ay gaareyso 850 askari.

Shirka jaraa’id ee uu maanta qabtay afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay bixitaankii ciidamada Ethiopia ee Xudur waxa uuna tilmaamay in AMISOM ay degi doonto xarun walbo ay ka baxdo Ethiopia.

Sidoo kale saxaafadda ayaa weydiisay afhayeenka guryo lasheegay in ay dad Rayid ah leeyihiin oo ay deganyihiin ciidamo ka tirsan AMISOM, waxa uuna carabka ku dhuftay in guryaha shacabka ay baneen doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan islamarkaana aysan AMISOM diyaar u aheyn in ay wax dhib ah u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

ugu dambeyntii afhayeenka ayaa qeexay in ciidamada AMISOM ay qeyb weyn ka qaadaneyso dib u dhiska ciidanka dowladda Soomaaliya ay siineyso tababaro joogta ah si dib loogu soo noleeyo khuwadii lagu yaqiinay ciidanka dowladda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com