Xuuraanta Iyo Wararki Ugu Dambeyay Shirarka Ka Socda Magaalada Kismaayo.

0

top newsKismaayo (AGGM): Wararka ugu danbeyay ee naga soo gaaraya magaaladaa Kismaayo iyo kulamadi uga socday  Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa waxaa kasoo baxaya warar horu dhac ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay miiska u soo saartay unna soo bandhigtay kooxda la magac baxday maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo qodobadan soo socda.

1- In Shir weynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo loo badalo Shirweyne Dib u heshiisiin oo ay ka qayb galaan Beelaha Wada daga Jubboyinka iyo Gedo .

2- In Hogaaminta Shirweynaha  loo madax baneeyo Dowlada  Fadaralka Somalia

3-In aan  dib  danbe lo maqlin Magaca Raskambooni  oo ay ku dhex milmaan Maamulka Dowladda.

4-In Ciidamada ku sugan Gobolada Jubboyinka la isku dhafo  Xaquuqdoodana ay Dowlada ka helaan.

5-In dhamaadka Shirweynaha  dib u heshisiinta  u ka soo baxo Maamul KMG ah oo shaqeenaya 6 bilood.

6-In Dhaqaalaha ka soo baxaa  Dakada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo  lagu wareejiyo Wasaaradihii ku shuqulka lahaa.

7-In 6 bilood  ka dib  marki la xoreeyo deeganada gacanta ugu jira Al-Shabaab la dhiso Maamul Goboleed dastuurka waafaqsan.

Qodobadaan  ayaa waxaa soo bandhigay mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya  ee ku sugan magaalada Kismaayo waxaana weli socda wadahadaladi iyo qaabki lagu hirgalin lahaa qodobada ay mas’uuliyiinta dowladdu soo bandhigeen.

Dhinaca kale waxaad moodaa in maamulka KMG ah ee Kismaayo aysan waxba diidanee balse ay uun doonayaan inay ku gor gortamaan haddii ay meesha baneeyaan in loo sheego xilalka ay ka qabanayaan dowladda Soomaaliya taa oo ku tusaysa in aan sidaa loo kala fogeen balse la doonayo in wax leeysla meel dhigo welina waxaa socda shirar joogto ah.

Isku soo wada duuboo waxaa socda dhaqdhaqaayo iyo kulamo balaaran oo wafdiga uu hogaaminayay R/wasaare Saacid la yeelanayaan Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanda, Siyaasiyiinta  iyo ururada bulshada rayidka ah ee gobolada Jubooyinka iyo Gedo, dhamaan qeeybaha bulshada waxa ay u soo gudbiyaan ayay dowladduna tixgalin doontaa rabitaankooda waxa ayna ku qaadan doontaa go’aanka kama dambaysta ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com