Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Faah Faahin Kooban Ka Bixiyay Kulamadii Maanta Ee Dowladda Soomaaliya Iyo Maamulka KMG Ah Ee Magaalada Kismaayo.

0

WASIIRKA-ARIMAHA-GUDAHAKismaayo (AGGM): Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo  Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo galabta shir shir jaraa’id u qabtay bahda warbaahinta magaalada Kismaayo ayaa faah faahin kooban ka bixiyay kulamo ay saacadihii ugu dambeeyey la qaateen qeybaha kala duwan ee magaalada, gaar ahaana maamulka magaalada, odayaasha, iyo  waxgaradkaba.

Wasiirka ayaa tilmaamay in kulan ay maanta wada yeesheen guddiyo matalaya dowladda iyo maamulka Kismaayo oo soconayay saacado lagu gorfeeyey qodobo ay ka mid ahaayeen sidii maamul rasmi ah loogu dhisi lahaa jubbooyinka, dhaqangelinta Nidaamka Federaalka, iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha, gaar ahaana dakhliga ka soo xarooda Dekedda iyo Garoonka, iyo qodobo kale, waxaana Wasiirku uu sheegay in natiijada rasmiga ah ay warbaahinta u sheegi doonaan marka ay soo dhamaadaan kulamadan.

Guddiyada matalaya labada dhinac ayaa waxaa kala hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane C/kariin, halka dhanka maamulka Kismaayo uu hogaaminayo Macalin Maxamed.
Wasiirka ayaa dhanka kale, xusay in ay jirto ifafaalo wanaagsan oo ku aadan in wadahadaladani ay ku soo dhamaadaan is faham. wuxuuna shacabka ka codsaday inay taageeraan go’aanada la gaaro.

Garad Salad Hersi
Press officer
Kismayo, SomaliaIsha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com