Rag Hubeysan Oo Askar Kenyaan Ah Ku Dillay Magaalada Gaarisa Ee Gobollka W/bari Kenya.

0

Ugandan police escort arrested civilians into the Wandegeya police station in the capital KampalaGaarissa (AGGM): Wararka laga hellayo magaalada Gaaris ee gobollka W/bari dalka Kenya ayaa sheegay in rag hubeysan ku dilleen magaalada labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dalka Kenya.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay rag ku hubeysnaa bastoolado ku toogteen bartamaha magaalada Gaarissa labo askari oo ka tirsanaa ciidamada sirdoonka dowladda Kenya.

Kooxaha dilka geystay ayaa markiiba goobta isaga baxsadayn iyadoona, waxaana markiiba soo gaaray halkaa ciidmo ka tirsan kuwa dowladda Kenya oo ka bilaabay sidii caadada u aheydba baaritaano la xiriira kooxihii dilka ka danbeeyay.

Bilihii ugu danbeeyayba gobollka W/bari dalka Kenya waxaa ka jiray dilal iyo waliba qaraxyo lagu beegsanayo saraakiisha iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Kenya, waxaana inta badan  falalkaas amaan darro lagu eedeeyaan in ay ka danbeeyaan Al-shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com