Gaalkacyo Oo Goobaha Wax Barashada Loo Xirayo Caqabadii Ugu Dhibka Badneyd Ee Taariikhda Soo Wajahday.

0

gaalkacyoGaalkacyo (AGGM): Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug oo ay kawada taliyaan maamullada Gal-mudug iyo Puntiland oo lagu tilmaamo magaalada xilligaan ugu fowlda badan Soomaaliya ayaa waxa ay qarka u saarantahay in dhamaan goobaha wax barashada albaabada leesugu dhufo.

Caqabada keeneysa in goobaha wax barashada laxiro ayaa waxa ay tahay afduub magaalada tusbax go’ay ka noqday oo lala eegto ardada iskuulaadka dhigata kadib markii dhinacyada magaalada wada dega ay bilaabeen in ay isugu faanaan qafaalka.

Dhacdadii ugu danbeysay saaka waxaa lagu qafaashay wiil lagu sheegay 16-sano jir oo ku noolaa koofurta Gaalkacyo kaas oo la’afduubay xilli uu ku siijeeday iskuulka uu magaaladasi ka dhiganayay kaas oo lala aaday dhulka miyiga ah ee magalada kafog.

Waalidiinta dhalay caruutra dhigata Iskuulaadka Gaalkayo ayaa waxa ay bilaabeen in ay caruurta kareebaan iskuuladka kadib marka uu soo batay qafaalku iyaga oo ka badqdin qaba in caruurtooda wadada loo galo, waxaana arintaasi ka dhashay in ay yaaradaan caruurta iskuulaadka aada, sidaa darteen ay iskuulaadkii faaruq noqdeen, qaar badan oo iskuulaadka kamid ahna xiligaan ay kutala jiraan qaabkii Iskuulaadka ay u xiri lahaayeen maadaama asyan jirin cid u taagan xalinta mashaakilkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com