SOOMALIDU DAWLAD MATAQAAN -USTARELIYANA GEEL MATAQAAN. W/Q.Suldaan Ali Abdulahi Hasan

0
url-1Marka laga hadlayo arinta aqoon-darada waa inla keeno muuqaalo badan oo cadayn kufilan, waxaana Maqaalkeenan kusoo qaadanaynaa laba arimood oo dhibaato kuhayso laba dal oo dunida kamid ah.

Arinta koowaad waa dawladnimada, waxayna dhibaato kuhaystaa dalka Soomaliya oo kuyaal qaarada Afrika.Wuxuuna dalkaasi dawladnimada uyaqaan inla raali-geliyo qof walba,in Qaranimada laga hormariyo Qoyskaaga,in Qaybta fiican lasiiyo Qaraabadaada,inla quursado qofka jilicsan, laakiin sidaas arintu maahin Dawladnimaduna waa dayr wayn oo cidkastaahi dugsan karto,waxayna kufilan tahay midka jilicsan iyo kan kale labadaba.Dawladnimadu waa haybad iyo sharaf insaanku kudamaashado,hadii uu waayana uu u ekaanayo Haad geed waayey, habeena usoogalay.
 
Dhanka kale dadka Soomaliyeed waxay xiligaan dawlad la,yihiin ugu yaraan 21 sano waxaadna moodaa in weli lahayo wadadii lagu waayey dawladnimadii ,haybadii iyo weliba sharfkii ummadnimo ee aan lawadagaynay bulshada kale ee caalamka.Waxaana kamid ah arimaha la eeday inlagu tilmaamo dawladda soomaliyeed ,mid ay iska leeyihiin reer hebel oo loola jeedo Qoyska Madaxweynaha, waxaan kale oo aan weli laga waantoobin in dawladda laysku haleeyo lana yiraahdo waxaa hawsheeda qabanaya Koox hebala,waxay ahayd murtidii Abwaanku Hadaan saf loo dhaqaaqin gobanimada madhalineen.

Sidoo kale waxyaabaha soomalidu dawladnimada kuwaysay waxaan kamarnayn isquursiga aan salka lahayn,waxaana ladhihi karaa soomalidu waa dad dawladnimada u yaqaan qabiilkaada oo lahormariyo, Hogaanka intaad hayso hantiyeelo,kaga aarso intii aad dirirteen iwm.
 
Dhibaatada kale ee aan mida soomalida dhinac dhigay waxay ahayd mida ay dawladda Ustareeliya kuhayso Noolaha Geela oo ah midka ugu manaafacaad badan inta rabi abuuray.Dhanka diinta marka laga eegana eebe wuxuu dadka usheegay inay fiiriyaan sida uu u abuuray Geela.

Waxaana inyaas dheer in Caanihiisa,Hilibkiisa,Kaadidiisuba ay yihiin dawo,iyo cunto wada socda.

Reer ustareeliyana waxay ku amreen dadkooda inla toogto diyaarado laga toogto. Faa,iida geela waxaa tilmaamaya gabaygan.

Dhibaatiyo adoo gaajo qaba dhaxanta jiilaalka,
Dhoor caano laga soo lisoo yara dhanaanaaday
Nin dhadhamiyey wuu garanayaa dhul ay qaboojaane
Goortaad dhantaa baa jidhkaba dhididku qooyaaye
Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele!

Dheeraad u raaca iyo bilay dhacarsataa Hawde
Iyadoo dhinbiishii suudiyo dhilatay maygaagga
Iyadoo dhammaan wada rintoo dhaaddan oo quruxsan
Oo farowga oofaha ku dhigay dhinacu goobaystay
Iyadoo dhawaysoo candhiyo dhays la socon weyday
Ayey jeelka kama dhawrsatee dhanaha xiistaaye
Dhabbaduu ku soo ururiyaa dhoobigii jiraye
Markay dhawr habeen soo dhaxday dhamal timaaddaaye
Dharaar bay carrada joogsataa oy dhegadka ruugtaaye,
Habeenka waxaa laga dhiijaa dhay habeed badane
Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele.

Dhag salaaddu goortay tidhaa bay dhacanta jiidhaaye,
Dhismaha naadhka iyo wiilashay laba u dhiibaane
Goortay dhagax malkada shiishiyo dheenta lagu tiirsho
Sidii faras dhambaal culus sida yey kala dhaqaaqdaaye

Markay soo dhawaatay kalgacal Dhudi la yeedhaaye
Markaasay dhegaystaan kuwii ceelka loo dhigaye,
Dhaqasho waxay ugu dhacaan kaalintay Dhebi u xaadheene
Ma dhursugo irmaankoo wax badan dhanaha moogaaye

Dhaltida iyo ratiga baarqabka ah dhibidu suudhaysay
Dhaqasho waxay u keenaan qotida dhaqayadeediiye


Heesteeda niman bow dhignaa dhooy la’aan jiraye,
Dhallinyaro hormada loo dhigay oo timaha dhoobaystay
 
Suldaan Ali Abdulahi Hasan
Sweden Västerås

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com