Col.Cumar Jaamac Cali Jiir " Dowladda Ugu Baaqay In Si Dag Dag Ah Uga Qayb Qaadato Maamul U Samaynta Deeganadaas Inta Shacabku Ka Gaarayo Isku Kalsoonaan Dhexdoodaha Ah".

0

Cali jiirKorneel Cumar Jaamac Cali Jiir oo asagu kamid ah Saraakiishii Xooga dalka Soomaliyeed isla markaana  kasoo jeeda deegaanadda Jubooyinka la usku yiraahdo ayaa soo saarey baaq ku socda dhamaan umadda deeganadas kasoo jeeda,

Korneelka ayaa si cad u sheegay inaay lagama maarmaan tahay in laga qayb qaato dhismaha Maamul goboleedka deeganadaas asagoo sheegay in marka hore lala yimaado dib u heshiisin dhab ah oo beelaha  deeganadas la dhex dhigo.

Sidoo kale Cali jiir ayaa Dowladda ugu baaqay inaay si dag dag ah uga qayb qaadato maamul u samaynta deeganadaas inta shacabku ka gaarayo usku kalsoonaan dhexdoodaha ah.

isku soo wada duuboo  korneelka ayaa ugu dambayntii wuxuu soo dhaweeyey booqashadda uu Raysal Wasaare Saacid ku tagay Magaaladdda Kismaayo asagoo taas ku micneeyey guul ummadda Soomaaliyeed usoo hoyatay.

Cali Gurbe
Sweden.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com