Afhayeenka AMISOM Col Xaamud "‘’AMISOM Iyo Ciidamada Dowladda Ayaa La Wareegaya Deegaanada Ay Ka Baxayaan Ciidamada Itoobiya"

0

xaamudMuqdisho (AGGM): Afhayeenka ciidamada midowgga Africa AMISOM Col Cali Aadan Xumud ayaa warbaahinta ugu waramaya qorshaha dhabta ah ee ciidamada midowgga Africa AMISOM ee ku aadan deegaannada ay ka baxaan ciidamada Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowgga Africa AMISOM iska kaashanayaan sidii ay u buuxin lahaayeen deegaannada ay ka baxaan ciidamada Itoobiya, si loo xaqiijiyo nabad-galyada.

‘’AMISOM howsha ay Soomaaliya u joogto waa xaqiijinta nabad-galyada iyo la dagaallanka Al-shabaab, sidaa daraadeed ma ogolaan doono in Al-shabaab ay dhibaateeyaan dadka ku dhaqan deegaannada hadda  ku sugan yihiin cidamada Itoobiya marka ay ka baxaan,’’ ayuu yiri Col Cali Aadan Xumud.

Dhawaa ayeey aheyd markii uu taliyaha ugu sareeya ciidamada midowgga Africa Gen Andrew Gutti uu sheegay in aan loo dhutin doonin sida uu hadalka u dhigay ciidamada Itoobiya, islamarkaana ay damaanad qaadayaan mas’uuliyada amniga dadka ku dhaqan deegaannada ay ka baxaan ciidamada Itoobiya.

Todobaadyadii ugu danbeeyayba waxaa siweyn loo hadal hayay dhaq dhaqaaqyada ciidamada Itoobiya ay ka wadaan gobollada Bay iyo Bakool oo meelaha ay ka baxeen, taasoo u sahashay Al-shabaab in ay dib ula wareegaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com