Xildhibaan C/raxmaan Xoosh " Waa Sharci Daro Shirarka Maamul U Samaynta Jubbooyinka Iyo Gedo Ee Ka Socda Magaalada Kismaayo".

0

xooshMuqdisho (AGGM): Wasiirkii hore ee Dastuurka Dowladdii KMG ahayd hadana ah mudane ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa dhaliilay qaabka Maamulka loogu samaynayo deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.

Xildhibaan Xoosh ayaa sheegay inaysan Sharciga waafaqsanayn shirarka Maamulka loogu samaynayo Jubbooyinka isla markaana ay wadaan dad aan waxba ka aqoon Dastuurka KMG ah ee u yaala dalka iyo arimaha Federaalka.

Warka wasiirki hore ee Dastuurka Xildhibaan C/raxmaan Xoosh ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Kismaayo ay ka soconayaan shirar loogu gogol xaarayo maamul usamaynta Jubbooyinka, dhinaca kale magaalada Kismaayo ayaa waxaa gaaray wafdi isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano si ay ugu kuur galaan waxa ka socda magaaladaasi uguna gogol xaaraan booqashada R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com