Qaraxyo Ka Dhacay Kismaayo Xilli R/wasaare Saacid Uu Kusii Jeedo.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM):Qaraxyo is xiga xiga oo siyaabo kala gedisan u kala dhacay ayaa waxaa laga maqlay gudaha Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, xilli saacadihii lasoo dhaafay ay Ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ku jireen Heegan Buuxda, maadaama lagu wado in Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya uu gaaro halkaasi.

Gaari ay la socdeen Ciidamada Millitariga Dowlada Soomaaliya ayaa qarax lagula eegtay Nawaaxiga Isgoyska Siinaay ee Magaalada Kismaayo, iyadoona qaraxaasi uu sababay qasaare kala gedisan, inkastoo qaraxa ka dib ay halkaasi isku gadaameen Ciidamo fara badan taasi oo sahli weysay in la ogaado Qasaaraha rasmiga ah.

Qarax kale ayaa isna ka dhacay wadada loo yaqaan Qaala ee ka tirsan Xaafada Faanoole ee Magaalada Kismaayo, iyadoona warar kala gedisan ay qaraxaasi danbe kasoo baxayaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxaasi lala eegtay Ciidamada Kenya kuwooda ku jooga Magaca AMISOM, halka warar kale ay sheegayaan in Qaraxaasi ay fashliyeen Ciidamada Ciidamada Kenya oo ay iyagu qarxiyeen Miino halkaasi ku aasneed.

Ma jirto wax qasaare ah oo la sheegay in uu geystay qaraxaasi ka dhacay xaafada Faanoole.

Ciidamada Huwanta ayaa Qaraxyadaasi ka dib Howlgal ay sameeyeen ku qab qabtay dad fara badan kuwaasi oo lagu tuhmayo wax ka ogaanshiyaha Qaraxyadaasi.

Qaraxyadaan ayaa kusoo beegmaya Xilli gudaha Magaalada ay ku sugan yihiin Wasiiro ka tirsan Dowlada Soomaaliya, isla markaana la sugayo in uu Magaalada gaaro Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com