Dagaal Xoogan Oo Caawa Dib Uga Qarxay Magaalada Marka.

0

breaking_news-620x3301Marka (AGGM):Wararka ka imanay magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in maqribnimadii caawa uu dagaal xoog badan ka qarxay labada jiho ee laga soo galo magaaladaasi

Dagaalkan caawa ka soconaya magaalada marka ayaa hada ka shanqaraya waqooyiga magaaladaasi walow kii ka socday jihada galbeed ee marka uu qaboobay balse ay ciidamada wali is hor fadhiyaan

Dagaalka ayaa sida ay wararka nagu soo gaarayaan qarxay kadib markii kolonyo gaadiid ah ee uu la socday gudoomiye ku xigeenka deegaankaasi Maxamed C/salaan ay ka hor joogsadeen in uu magaalada gudaha u galo maaleshiyo beeleed sida la sheegay dhawaan halkaasi dagaal kula wareegay

Dagaalka oo wali soconaya ayaa ilaa hada tirada dhimashada waxa lagu sheegay ku dhawaad 4 ruux uu mid ka mid ah yahay darawalkii baabuurkii uu la socday gudoomiyaha kaas oo sida la sheegayo lagu toogtay bartamaha magaalada marka

Dhacdadan ayaa daba joogta dagaal labo cisho ka hor ka dhacay magaalada marka kaa oo u dhaxeeyay maleeshiyo beeleedyo isku heysta ka ariminta deegaankaasi ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com