Madaxweyne Xasan Oo Gaaray Dalka Qatar.

0

xasan-itoobiyo_6Doha (AGGM): Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Doha ee dalka Qatar, halkaasi oo uu ka furmi doono Shir Madaxeedka Wadamada Jaamacada Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in Khudbad dheer uu ka jeediyo Shirkaan, kaasi oo uu kaga hadli doono isbadalada dalka Soomaaliya, Xaalada Amaan, Siyaasad, Dhaqaale, iyo waliba taageerada Dowladiisa ugu baahan tahay Wamada Jaamacada Carabta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa marka uu idlaado shirkaan ka dib in uu tago dalka Imaaraadka Carabta, sida uu warfidiyeenada u xaqiijiyay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta C/llaahi Ciil Mooge Xirsi.

Inkastoo Wasiirka Sheegay in Safarka Madaxweynaha ee dalka Imaaraadka noqon doono mid uu halkaasi kula kulmayo Madaxda dalkaasi, ayaa waxaa jira warar taasi ka duwan oo sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya uu dalka Imaaraadka kula kumli doono Madaxda Maamulka Soomaaliland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com