Wasiiro Iyo Xildhibaanno Gaaray Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose.

0

kismaKismaayo (AGGM): Wararka laga hellayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobollka Jubbada hoose ayaa sheegaya in goor dhaw ay halkaa gaareen wafdi ka koobnaa wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhoofay magaalada Muqdisho.

Wariye ku sugan magaalada Kismaayo ayaa inoo sheegay in wafdiga oo uu horkacayo wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ku soo dhaweeyeen magaalada Kismaayo Horjoogaha maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Wafdiga ayaa uu horkacayo wasiirrka arrimaha gudaha ee gaaray Kismaayo waxaa ka mid ah wasiirka gaashaandhiga Fiqi iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Amaanka magaalada ayaa siweyn loo adkeeyay waxaa sugaya ciidamada maamulka Kismayo iyo kuwa Kenya, iyadoo la xiray dhamaan goobihii ganacsiga magaalada.

Wixii war ah ee ka soo kordha warkaan kala soco Allgalgaduud Media…

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com