Wasiirka Gaashaandhiga Oo Ku Hanjabay In Ay La Wareegi Doonaan Degmada Xudur.

0

FIQIMuqdisho (AGGM): Wasiirka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in ay soo dhameeyeen sida uu hadalka u dhigay diyaar garoowgii ay kula wareegi lahaayeen degmada Xudur ee gobollka Bakool.

War-saxaafadeed ayaa lagu sheegay in iyada oo la kaashanayo ciidamada midowgga Africa AMISOM dib ula wareegi doonto dowladda federaalka degmada Xudur oo dhawaan ay isaga baxeen ciidamada Itoobiya, taa oo keentay in ay la wareegaan degmada xoogagga Al-shabaab.

‘’Qorshaha la xiriira dib ula wareegista degmada Xudur waa uu soo dhamaaday, waxaana uu marayaa hadda meel gabagabo ah, dhawaan dib ayeey dowladda ula wareegi doontaa degmada, waana laga saarayaa kooxaha argagixisada ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed.

Taliska ciidamada midowgga Africa AMISOM ayaa dhawaan sheegay in marnaba aan loo dhutin doonin sida ay hadalka u dhigeen ciidamada Itoobiya, islamarkaana deegaannad ay baneeyaan ama ka baxan buuxin doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM.

Wasaarrada gaashaandhiga ayaa ku eedeysay kooxda Al-shabaab in ay ka geysteen degmada Xudur tacadiyo ka dhan ah Bani’aadannimada, kadib markii ay ku gowrceen degmadaas wadaad caan ka ahaa gobollka Bakool oo lagu magacaabi jiray Sheekh C/raxmaan Macallin Warsame.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com