Howlgal Dad Lagu Soo Qab Qabtay Oo Ka Soconaya Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose.

0

kismaayo2Kismaayo (AGGM): Wararka laga hellayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegay in maleeshiyada maamulka ku-meel-gaarka ah ee Kismaayo halkaa ka wadaa howlgal baaxd leh oo lagu baadi goobayo dad ku lug leh falalka amaan darro ee ka jira magaalada.

Howlgalka ka socda magaalada Kismayo ayaa u muuqda mid daba jooga  Qarax shalay ka dhacay Xaafada Calanleey, oo katirsan magaalada Kismaayo, ee Xaruunta gobolka Jubada Hoose.

Qaraxa shalay ka dhacay Kismaayo, ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray qaar kamid ah maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo dad rayidka , waxaana qaraxaas kadib baaritaano lasameeyay lagu soo qab qabtay dad farabadan oo lala xiriirinayo in ay lug ku lahaayeen qaraxaas.

Magaalada Kismaayo waxaa maalintii shalay dib  ugu laabtay horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskanbooni Axmed Madoobe oo lagu soo beegay qarax dib ugu soo laabashadiisa Kismaayo.

Horjoogeyaasha waxaa ay sheegeen in dadka ay soo xireen intooda badan lagu tuhusan yahay in ay qeyb ka yihiin sida ay hadalka u dhigeen falalka amaan darro, su’aalana la weydiinayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com