Abu Mansuur Al Amriiki Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Lacagtii Ay Dul Dhigtay Dowladda Mareykanka.

0

shabaab ajnabiMuqdisho (AGGM): Abuu-mansuur Al-Amriki oo ka mid ah ragga ajnabiga ah ee ka tirsan Al-shabaab dhalasho ahaanna ka soo jeeda dalka Mareykanka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aanka dowladda Mareykanka ee lacagaha malaayiinta doolar ah lagu dul dhigay.

Waxaa uu sheegay aysan jirin xiligan sabab ay u radiso dowladda Mareykanka maadaama uu yahay sida uu hadalka u dhigay shaqsi khatar ugu jiray kooxda Al-shabaab, oo uu ka cabsi qabo sida uu sheegay in ay disho.

‘’Ma garanayo sababa xiligan Mareykanku dhaqaalle intaa la eg uu iigu raadiyo, xili aan khatar ugu jiro kooxdii aan bah wadaagta aheyn ee Al-shabaan,’’ ayuu ku sheegay fariin uu soo dhigay bogga Twitter-ka Abuu-mansuur Al-Amriki.

Waxaa uu sheegay mar wax iska weydiiyay lacagta shanta milyan ah ee uu Mareykanka ku baadi goobo, in xitaa uusan ogeyn qiimo ahaan wax ay la eg tahay sida uu hadalka u dhigay lugtiisa bidix oo markaa uu ula jeeday in uu yahay shaqsi halis ku jira oo aan wax qiimo ah ku fadhin.

Al-Amriki oo Soomaaiya u soo safray sanadkii 2006, ayaa sheegay sidoo kale wax laga xumaado tahay in Al-shabaab iyo Mareykanka xiligan si isku mid ah u wada baadi goobayaan.

Dhawaan ayeey aheyd markii ay dowladda Mareykanka sheegtay in dhaqaalle gaaraya shan milyan oo doolar ku bixin doonto macluumaadka la xiriira rag ajnabi ah oo ka tirsan Al-shabaab oo uu ka mid ahaa Omar Hammami oo loo yaqaan Abuu-mansuur Al-Amriki.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com