Gen. Cabaas Gureey Oo Salaan Sharaf Kaga Qaatay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo Qaar Kamid Ah Ciidamada Guutada 1aad Ee Dhawaan Laga Soo Badalay Gobolka Gedo. *Daawo Sawirada*

0

DSC01421Kismaayo (AGGM): Gen. Cabaas Gureey Oo maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu Salaan Sharaf Kaga Qaatay qaar kamid ah Ciidamada Dowladda ee Dhawaan Laga Soo Badalay Gobolka Gedo.

Dhawaan ayay ahayd markii guutada koowaad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay badal rasmi ah uga yimaadeen dagmada Ceel waaq ee gobolka Gedo loona soo badalay gobolka Jubbada Hoose.

Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe iyo Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka tirsan baarlamanaka Soomaaliya ayaa waxa ay ku tilmaameen in ciidamdan yihiin ciidamo ka tirsan falaagada al shabaab.

Arintan ayaa waxa ay maanta ku tuseeysaa mas’uuliyada darada Axmed Madoobe iyo Xildhibaan Xidig  oo labaduba isku beel ah, waxa ayna ku tahay wajigabax iyo ceeb lasoo gudboonaatay  gabi ahaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo horjoogeyashooda  oo Xildhibaan Xidig-na ka tirsan yahay.

Dhinaca kale qaar kamid ah shabakadaha u ololeeyay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa beriyihi lasoo dhaafay waxa ay faafinayeen warar aan sal baar lahay kuwaa oo ahaa in ciidamada guutada 1aad ee ka soo guuray gobolka Gedo in hub ka dhigis lagu sameeyay.

Isku soo wada duuboo waxaa soo yaraanaya amaba meesha kasii baxaya damaacigi foosha xumaa ee qaran diidnimada ahaa ee maleeshiyo beeleedka Raaskambooni iyo horjoogayaashooda, waxaana la filayaa inuu maalinimada Isniinta wafdi balaaran oo uu horkacayo R/wasaaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon uu booqdo magaalada Kismaayo.

DSC01421

DSC01444

DSC01420

DSC01428

DSC01419

DSC01418

Cabdisalaan Cali Cayuuni
Kismaayo, Soomalaiya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com