Gabay Diini Ah: "SIRTA KULAFAQ". Waxaa Curiyay Abwaan Xasan Bulxan Cali. *Dhagaysi Wacan*

0

xassGabaygaan waa gabay Diini ah waxaana curiyay Abwaan Xasan Bulxan Cali oo jooga magaalada Darwin  ee dalka Australia, gabaygan ayaa waxa uu la magac baxay SIRTA KULAFAQ waxa uu isugu jiraa qoraal iyo maqalba ee bal nala dhagayso.

  1. Kelinimo sugnaanshale u qira, saatir waa axade
  2. Ku salliyoo rumee muxamed waa, suubanii nebiye
  3. Salaadda iyo soonkiyo xajkiyo, sadaqadii maalka
  4. Waajibaadka lagu saaray iyo, raac sunnada qaado
  5. Cibaadaa laguu suubsadee, saamac kelimaadka
  6. Caqli sugan samiic iyo basiir, siiye kuu unugye
  7. Saxa iyo xumaantana fahmada, sooce kala saarye
  8. Laba surin midkaad  mari ogaal, waad la socotaaye
  9. Midna naarta kugu sii dhoweyn, salaw cadaabeede
  10. Kan kalana jannaduu kugu sugaa, soohdin loo bogaye
  11. Saacadaad  khiyaar leedahay, dunidan suushaaye
  12. Nafta markaad sogootido hadhow, soo ceshooy malehe
  13. Saaxiib iyo qaraabiyo tolkaa, saacidkood dhimaye
  14. Camalkii saxnaabaad ka heli, saamaxaad dhabehe
  15. Sadaqiyo qaraabada waxsiin, waa sad dheeriyehe
  16. Sakaraadka geerida ayay, saad u noqotaaye
  17. Samhariiray kaa seexisaa, silica maantaase
  18. Sawdka fiican isaguna sidaas, waa sawaab jira e
  19. Falkastood samaysoo habboon, sadaqo weeyaane
  20. Saamaleylka salaaddii habeen, waa siraad koride
  21. Dadkoo seexday sacabada markii, samada loo taago
  22. Hungo sooma celiyoo rabbigay, sii wuxuu rabaye
  23. Sirta kula faq leylkii ilaah, wuu ku saamixiye
  24. Sacaadada qiyaamaha nin ogi, seyryay dunidiiye
  25. Si kastood barwaaqada saldano, saami kore gaadho
  26. Mawd seegi meysidoo hantida, waad ka socotaaye
  27. Halka aad siniin iyo miniin, joogin sahay qaado
  28. Shaydaan sixroolaa ku dhihi, sabadu waa guule
  29. Haka siisan wuxuu doonayaa, wehel saciiraade
  30. Waa kii sarreeyihi rabbigi sawd, ku caasiyaye
  31. Sujuuddii la faray waa midkii, diiday samaceede
  32. Siritaan khiyaamiyo dhibbuu, kuu saddahayaaye
  33. Soomalhaadka wuxuu doonayaa, silica kaagaahe
  34. Cadaw sugan inuu noo yuhuu, saatir noo dhigaye
  35. Iska suuli si uu kugu galaba, sibiq xaluushaaga
  36. Sumcadda iyo sharaftaadu waa, xaqa samayntiiye
  37. Quraankiyo sunnada raacideed, sahal muraadkaa e
  38. Siiradiyo saxaabada warkood, maanka saacide e
  39. Wacdigii ku sola laabta wuu, saxartiraayaaye
  40. Suuradaha qiyaamaha sharraxaa, fiira saa’idine
  41. Cabsi saaqda bedenkaa ayaa, maanku sidayaaye
  42. Ka sikoo hagelin naarta baa, fahamku suurayne
  43. Simbiriirix ruuxii kufaa, sigay jabniinkiiye
  44. Saracii jannada kii og wuu, saabilahayaaye
  45. Nimcaduu sarreeyuhu dhex dhigay, koobiwaa saxa e
  46. Taratan socodka dheereeye waa, tiigsan suu rabaye
  47. Saaricuu maqfiradii rabbigay, aayad baa sugiye
  48. Bidhaamahan sibbaakhee dunida, saaran waa khalade
  49. Dhalaal suuli weeyaan waxaad, moodi sii jira e
  50. Waa lacib sagootiyi shamsada, seexan ee dhiciye
  51. Suhdi kii ka gala baa rajadu, guul ku simi meele
  52. Midkii sabarka laacaa tog iyo, siibad lagu xoorye
  53. Sabbaynteeda mawjadaha buu, sahal dabaashaaye
  54. Siddiqabaxda sheekada surgo’an, suulka loo jabiye
  55. Subcis heesa iyo dhaantaday, sookac leedahaye
  56. Siijeedka wuxuu daaimoo, laydhu sidataaba
  57. Saacad aan fogaynbaa wadkii, sarafariistaaye
  58. Markaasuu sax iyo maag fahmaa, xaalku suu yahaye
  59. Talo fara kasiibane muxuu, suubin waa tagaye
  60. Waqti kuma sugaayoo dabayl, socota weeyaane
  61. Saacaddii ku dhaaftaa cimrigoo, siibtay lagu sheegye
  62. Malagyada garbaha saaran waa, kaatib saaxiyehe
  63. Wixii aad samaysay qoraan, xumiyo suubnaane
  64. Sadaradaas qiyaamahaad akhriyi, siday ahaadaane
  65. Kitaabkiisa siiya la oran, samabax liibaanye
  66. Ama bidixda uga sayra waa, saqara kooxdiise
  67. Camalkaagu sabaduu ku dhigo, baad ku socotaaye
  68. Inkastoo sarreeyuhu ufalo, sida u doonaayo
  69. Saamaxaadda kuu rabo ayuu, sahal u siiyaaye
  70. Kan kalana samuum jahanamuu, sal uga yeelaaye
  71. Naxariis safayn gaarta buu, saad u leeyahaye
  72. Soo jire khalqigoo idil haddii, subax lasoo taago
  73. Mid walbaaba suu rabo hadduu, siiyo danihiisa
  74. Senti kama dhinmaayoo mulkigi, malaha seer oode
  75. Ilaahow adaa saatiree, nagu sug diintaada
  76. Cafis saamaxaan kaa baryiye, sahal amuurteenna
  77. Mu’miniinta samabixi sujuud, caabudkaa badane
  78. Soomaaliyana eebbow ka yeel, maamul sara gaara
  79. Sinnaantiyo cadliga nabadda oo, sugan ku weydiistay
  80. Midnimiyo samaac iyo ismaqal, xaqa lasaaciido
  81. Sida wacan allow nagu haddee, siganay dhawr jeere.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/Sirta-kulafaq..mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Curiye:- Xasan Bulxan Cali
Email. bulxan105@hotmail.com
Darwin, Australia.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com