Dagaal Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Ku Dhexmaray Husingow Ee Gobolka Jubbada Hoose.

0

Dagaal-GedoHusingow (AGGM): Wararka laga hellayo deegaannka Husingow ee gobollka Jubbada hoose ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaa ku dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya, kadib markii la wareegay saldhiga ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay deegannka Husingow uu ka danbeeyay weerar ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen isla ciidamo kala oo ka tirsan dowladda, taassoo keentay in labada dhinac ay is weydaarsadaan rasaas culus.

Inta la og-yahay waxaa ku dhinta dagaallka labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo halka tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen, waxaana wararku sheegayaan  in markii danbe ay xaalada soo faragaliyeen ciidamada dowladda Kenya.

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray deegaannka Husingow ayaa sheegaya in xaaladu degan tahay, islamarkaana saldhigyadii lagu dagallamay la wareegeen ama gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com