Xog Xasaasi Ah: Wajigii Labaad Ee Hagardaamadii Lala Rabay Jubbooyinka Oo Fashilantay!.

0

shirqoolXog Xasaasi Ah (AGGM): Qaranjabkii Soomaaliya kaddib, dhulka Soomaaliyeed waxuu noqday mid beylah ah oo cidii rabtaba ay kusoo xad gudubto una soo hawooto bad iyo beriba.

Doonitaankii xornimada waxay umadda Soomaaliyeed ku weysay naf iyo maal badan, nasiib darase, waxay qaranimadii ay mudada dheer halganka ugu soo jirtay ku lumisay si fudud.

Ilaa iyo markii la waayay qarankii Soomaaliyeed ee ay Soomaalidu cisada iyo sharafta ku laheyd oo waliba adduunka oo dhan sida weyn looga heybeysan jiray ayaa waxaa soo ifbaxay wadani xumada muwaadinka Soomaaliyeed, taasoo cadawgeeda ku dhiiri galisay in uu si an gabasho laheyn u kala dulaalo, dhulkeedana weerar kusoo qaado.

Nasiib darada ku dhacday ciidda, calanka iyo shacabka Soomaaliyeed ma ahan mid lagu soo koobi karo hal bog, balse hadda waxay si gaar ah midida u saaran tahay gobolada Jubbooyinka.

Rabbi mahadi haka gaadhee, inkasta oo ay tabar yar tahay dalka Soomaaliya waxuu leeyahay dowlad cod ku leh golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay (United Nations.)

Inkasta oo ay muuqato in wadamada sida gaarka ah horarka u ah ee midida laba aflaha ah wata in ay yihiin kuwa AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ee iska dhigaya in ay Soomaaliya caawinayaan, haddana waxaa cad in ay Kenya tahay tan ugu horeysa weerarka socda ee la rabo in qeyb dhulka Soomaaliya ka mid ah lagu xalaaleysto.

Geed la goynayay baa waxuu ku cataabay baa la yiri “Godiney ima aanad goyseen ee gobalkey baa kugu jira!“.  Kenya oo ay boqortooyada Ingiriiska u gacan galisay gobolka Northern Frontier District (NFD) intii u dhaxeysay sanadihii 1954-1959, ayaa waxay hadda rabtaa si la mid ah sidii ay dhulkaas ku xalaaleysatay in ay mar kale ku xalaaleysato gobolada Jubbooyinka oo ah dhul ahmiyad weyn u leh umadda Soomaaliyeed.

Qidadda ay wadato Kenya ee dhabta ah ayaa ah in ay gobolada Jubbooyinka ka dhigato dhul dagaalka ka caagan (buffer zone), iyo in qabiilada la rabo in dhulkooda la qabsado la kala qeybiyo, dabadeedna markay iyaga is nacaan oo midiyaha isu qaataan si dhib yar muraadka laga leeyahay looga gaaro.

Siyaasadda noocaan ah oo ay Kenya ka baratay gumeystaha soo ababiyay ilaa iyo iminkana gacanta ku hayo ee Ingiriiska, ayaa waxay ku dhisan tahay qidad xeeladeysan oo ujeedkeedu yahay qeybi oo qabso “Divide and conquer” ama qeybi oo xukun ”Divide and rule.”

56 sano kaddib markii uu Ingiriisku bilaabay in uu NFD raaciyo dhulka Kenya, mar kale, waxaa socota in dhulka Jubbooyinka laga daba geeyo walaasheed NFD oo iyadu gacan ka baxeedii kaddib aanay ilaa iyo hadda cidina wax iska weydiin.

Rabbi mahadi haka gaartee, damacaan waalan ee Kenya ee dhul boobka ku dhisan waxaa si wada jir ah uga hor yimid muwaadiniin Soomaaliyeed oo u badan kuwa ku dhaqan gobolada Jubbooyinka oo dal iyo dibadba jooga, kuwaasoo ayaga oo garabsanaya dowladooda tabarta yar diidmo qayaxan kala hor yimid qorshihii qayaano ee loogu magac daray “DHISMAHA MAAMUL GOBOLEEDKA JUBBALAND” oo ah qorshe la mid ah kii horay u fashilmay ee la oran jiray “MAAMUL GOBOLEEDKA AZANIA.”

Marka laga yimaado doorka ay DOWLADDA DHEXE EE FEDERAALKA SOOMAALIYA ka ciyaartay is hor-taagga qorshaha ay Kenya rabtay in ay ku xalaaleysato gobolada Jubbooyinka, waa kuwaan hoose magacyada dadkii ugu cad-cadaa ka hor imaashaha qorshahaas fashilmay, kuwaasoo ay xaqiiq tahay in ay taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka gali doonaan:

1.  Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil
2.  Ex- Xildhibaan Maxamuud Sayid Aden oo ah Gudoomiyaha Hogaaminta Ciiidamada Aaga Gedo
3.  Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo, Col. Cabdi Barre Cabdi
4.  Guddoomiyaha Degmada Garbahaarey, Iimaan Caddow Kaarshe
5.  Guddoomiye-yaasha Degmooyinka gobolka Gedo ee Luuq, Beled-xaawo iyo Ceel-waaq (Magacyadooda dib baan kasoo gudbin doonaa)
6.  Afhayeenka gobolka Gedo, Nuur Sayax Xareed
7.  Guddoomiyaha Ehlu sunada Koofureed, Sheekh Cayduruus Sayid Axmed Sayid Warsame
8   Afhayeenka Ururka Ahlu sunna Wal jameeca, Sheekh Maxamed Xuseen Isaaq (Al-Qaadi)
9.  Xiriiriyaha Ciidamada Dowlada ee Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, Col. Warfaa Sheekh Aden
10. Abaanduulaha ciidamada dowladda ee gobolada Jubbooyinka, Col. Cabaas Ibraahin Gurey
11. Taliyaha ciidamada xooga dalka ee gobolka Gedo, Col. Jamaal Xasan Sarey
12. Qaar ka mid ah siyaasiyiintii iyo saraakiishii hore ee beesha Sade ee ku sugan Muqdisho
13. Dhamaan ciidamada iyo saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ee gobolada Jubbooyinka
14. Dhamaan ciidamada iyo saraakiisha Ahlusunada Koofureed ee ku sugan gobolada Jubbooyinka
15. Inta badan odayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo (magacyadooda lama soo koobi karo, balse taariikhdu waa ma dhunto, baal dahab ah bayna ku yaalaan.)
16. Inta badan odayaasha dhaqanka ee gobolka Jubbada Hoose (magacyadooda lama soo koobi karo, balse taariikhdu waa ma dhunto, baal dahab ah bayna ku yaalaan.)
17. Inta badan odayaasha beesha Sade ee ku sugan Muqdisho (magacyadooda lama soo koobi karo, balse taariikhdu waa ma dhunto, baal dahab ah bayna ku yaalaan.)
18. Inta badan odayaasha beesha Sade ee ku dhaqan magaalada Nairobi/Kenya
19. Wadani ku caan baxay nabadda iyo midnimada umadda Soomaaliyeed – Cali Xasan Deer
20. Soomaali badan oo kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka oo aanan magacooda xusi karin, laakiin aan huno in ay door weyn ka qaateen ka hor tagga qorshaha qayaano ee ay Kenya iyo xulufadeeda wateen
21. Qurbajoogta: Guddiga xiriirka iyo Dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka (GXDGJ) oo har iyo habeyn usoo jeeda sidii ay isugu keeni lahaayeen una wada hadashiin lahaayeen siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedyada kala aragtida duwan ee kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka.

22. Qaar ka mid ah bahda saxaafadda ee kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka oo go’aansaday in ay caqligooda, aqoontooda iyo qalinkooda ku difaacaan dadka iyo dalka hooyo.

Sida muuqata, markii ugu horeysay muddo 3 sano ah oo ay Kenya dooneysay in ay gobolada Jubbooyinka maamul maqaar saar ah uga sameyso, waxaa uu qorshahaasi hadda u muuqdaa mid gebi ahaanba bur-buray.

Sidoo kale, waxaa horay u bur-buray qorshe hore oo ay Kenya rabtay in ay gobolada Jubbooyinka maamul ugu sameyso, kaasoo ahaa kii ay ugu magac dartay “Azania State” ee ay rabtay in ay madaxweynaha uga dhigto Prof. Gaandi, kaas markuu shaqeyn waayayna waxay haddana bilowday qorshe cusub oo ay tiri waxaan ku dhisayaa maamul goboleed la yiraahdo ”Jubbaland.”

Isku soo duuboo, mar haddii uu hadda qorshihii labaad ee maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka fashilmay, su’aashu waxay tahay, maxuu noqon doonaa midka saddexaad ee ay la imaan doonto Kenya?

Soomaaliya ha noolaato.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/Dhulkeena_yaa_u_maqan.mp3-audio-mpeg-Objekt.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Cabdi Faarax,
Muqdisho, Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com