Taliyaha Ciidamada AMISOM Oo Sheegay Inay Xaqiijinayaan Amniga Gobollada Ay Ka Baxaan Falaagada Al Shabaab.

0

gen. guttiMuqdisho (AGGM): Taliyaha ciidamada midowgga Africa AMISOM Jen Andrew Guti ayaa sheegay in marnaba sida uu hadalka u dhigay aan loo dhutin doonin ciidamada dowladda Itoobiya xitaa haddii ay isaga baxaan deegaannada ay hadda kaga sugan yihiin gobollada dalka.

Jen. Andrew Gutti oo la hadlayey  ama wareysi siinayay wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay buuxin doonaan hadii ay ciidamada Itoobiya ka baxaan deegaanada gobolada Baay iyo Bakool.

Taliye Gutti ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay u ballan qaadayaan bulshada ku dhaqan deegaannada gobollada Bay iyo Bakool in aysan marnaba dhici doonin in kooxda Al-shabaab ay dib u qabsadaan deegaannada gobolladaas islamarkaanaay dhibaateeyaan shacabka, wuxuuna uu intaa ku darray  in ay ka go’an tahay cirib tirka ururka Al-shabaab.

Jen Guti, waxaa uu sheegay in awood buuxda u leeyihiin in sugaan nabad-galyada guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya xitaan haddii ay meesha baxaan ayuu yiri ciidamada midowgga Africa AMISOM.

Hadalka taliyaha ayaa imanaya xili shacabka ku dhaqan gobollada Bay iyo Bakool walaac badan ka muujinayaan warka ka soo yeeray saraakiisha dowladda Itoobiya oo sheegay in ay isaga baxayaan deegaannada gobolladaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com