Nimco Rabi Oo Ay Dadka Iyo Duunyadaba Ku Diirsadeen Oo Ku Hoortay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo.

0

roobabGarbahaareey (AGGM): Wararka ka imaanaya deegaano hoostaga gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in roobab mahiigaan ah ay ka da’een deegaanadaas.

Deegaanka Ceel Cade roobab 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka da’ay halkaasi ayaa waxa si weyn ugu diirsadeen dadka duunyada waxaase lagu soo waramayaa xoogaa raad reeb ay ku reebeen deegaankaasi xareedii roobka.

Daadad la socday roobabkii da’ay ayaa waxa dhulka ay la simeen guryo ku dhaw labaatan aqal oo cooshado iyo dhis ka koobnaa iyadoo hal qofna uu ku geeriyooday roobabkaasi xoolana lagu waayey.

Maamulka deegaanka Ceel Cade ayaa waxay sheegayaan in xaalada ay tahay mid deggan dadkuna ay ku niyad qaboobeen nimcada Rabbi iyo xareeda roobabkii ka da’ay halkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com