Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil Oo Waxba Kama Jiraan Ku Sheegay In Ergo Ka Socota Gobollka Gedo Joogto Magaalada Kismaayo.

0

kaliil111Garbahaarey (AGGM):Maamulka dowladda Soomaaliya ayaa gobollka Gedo ayaa waxba kama jiraan iyo warar aan sal laheyn ku tilmaamay in ergo ka socta ama matasha gobollka Gedo ku sugan tahay magaalada Kismaayo si ay uga qeyb-galaan shirka halkaa ka soconaya.

Guddoomiyaha gobollka Gedo ee dowladda Soomaaliya Max’ed Cabdi Kaliil oo warbaahinta la hadllayay ayaa sheegay in ama beeniyay in ergo ka socoto gobolka Gedo ku sugan tahay magaalada Kismaayo.

Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in horay kulan si wada jir ah u qaateen maamulka iyo waxgaradka gobollka Gedo go’aana uga soo saareen shirka ka soconayay Kismaayo, kuna qaadaceen, sidaa daraadeed waxaa uu sheegay guddoomiyaha in waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya in ergo ka joogto Kismaayo.

‘’Go’aanka maamulka oo cad waxaa uu yahay in uusan aqoosaneyn shirka ka soconaya magaalada Kismaayo, cid kasta oo ka qeyb-gashana aysan matalin gobollka Gedo, laakiin si shaqsi ah uga qeyb-gali karto shirkaas,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobollka Gedo ee dowladda Soomaaliya Max’ed Cabdi Kaliil.

Warka ka soo baxay maamulka gobolkla Gedo ayaa imanaya xili maalmihii aynu soo dhaafay sida la sheegay ergo ka timid gobollka Gedo gaarayeen magaalada Kismaayo si ay uga qeyb-galaan shirka halkaa ka soconaya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com