Hay'ada UNHCR Oo Ka Deyrisay Xaalada Nololeed Ee Dadkii Ka Barakacay Dhawaan Degmada Xudur.

0

qaxootiBaydhabo (AGGM): Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan QM UNHCR ayaa sheegtay in xaalado nolal xumo ay la soo darseen kumanaan ruux oo dhawaan ka barakacay degmada Xudur ee gobollka Bakool, kadib markii ay dib ula wareegeen maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Hay’adda ayaa sheegtay in dadkaasi u baahan yihiin gurmad deg deg ah xiriirna la sameyn doonaan hay’addaha samafalka ee arintaa ku shaqada leh, si gargaar deg deg ah loola gaaro dadka dhibaateysan ee ka barakacay degmada Xudur.

‘’Ku dhawaad sadax kun oo ruux ayaa isaga barakacay degmada Xudur kadib markii ay la wareegeen Al-shabaab, dadkaasi dhibaato ayaa la soo darristay, waxaa ay u baahan yihiin in lala gaaro gargaar deg deg ah,’’ ayeey sheegtay hay’adda UNHCR.

Qeylo dhaanta hay’adda ayaa timid kadib markii ay qoysas ka cararay dhawaan degmada Xudur la sheegay in ay ku dhibaateysan yihiin deegaannada dulleedka ka ah degmada, kuwaasoo ay la soo darrista xaalad nolaleed oo aad u adag.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com