Cudurka Shubanbiyoodka Oo Ka Dilaacay Degmada Badhaadhe Ee Gobolka Jubbada Hoose.

0

shuban biyoodBadhaadhe (AGGM): Wararka naga soo gaaraya degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in uu Cudurka Shubanbiyoodka ee bishaan ka dilaacay deegaano badan oo ka tirsan Soomaaliya ayaa hadda laga soo sheegayaa in uu gaaray gobolka Jubada hoose.

Degmada Badhaadhe iyo deegaano ku dhow ayaa waxaa si weyn uga dilaacay cudrkan Shubanbiyood oo saameeyay dadka deegaanka.

Illaa hadda lama sheegin wax u dhintay cudurka balse dad aad u fara badan ayaa la sheegayaa in ay la xanuusanayaan kuwaasi oo aan haysan adeega guud ee caafimaad taasna ay sababi karto inay u dhintaan dad fara badan cudurka.

Mid ka mid ah Waxgarad degmada Badhaadhe ayaa sheegay in xurumo caafimaad aysan laheyn magaalada sidoo kalana ilaa haddana ma ay jiraan wax gurmad ah oo ay heleen, isaga baaq u diray dowladda Soomaaliya, Hay’adaha samafalka iyo dhamaan Qurbajoogta Soomaaliyeed inay gurmad dag dag ah lasoo gaaraan dadka uu cudurkan la il daran.

Cudurka Shubanbiyoodka oo ka mid ah cudurada dilaaga ah waxaa magaalada Baledweyn ugu geeriyooday dad ku dhow 20 ruux halka boqolaal qofoodna ay la ildaran yihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com