Ugaaska Beesha Macalin Weyne Ee gobolka Gedo Oo Sheegay In Aanay Jirin Cid Wakiil Ka Ah Macalin Weyne Oo Ka Qeyb Galaysa Shirka Kismaayo Ee Jubbooyinka *Dhageyso*

0

ugaas-xasan21Luuq (AGGM): Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo loo duubayo in uu Ugaas u noqdo beesha Macalin Weyne oo ka tirsan beelweynta Raxaweyn. Masawirkan Ugaaska waxaa looga qaaday Degmada Luuq Arbaco, April 12, 2012

Ugaas Xasan  Cabdi Maxamed  oo ah Ugaaska Beesha Macalin weyne ee  Gobolka Gedo, kana mid ahaa Hogaamiyayaal dhaqaneedyo dhowaan gaarey degmada Dolow ayaa isaga iyo Ergooyin kale oo Beelaha Soomaalida ah ee dega Gobolka Gedo ka socda waxay dib ugu soo laabteen Degmada Luuq.

Ugaaska oo Maanta shir jaraa’id ku qabtey degmada Luuq ayaa waxaa uu ka warbixiyey Ujeedada socdaalkii uu ku tagey Dolow iyo waxa keenay in uu dib ugu soo laabaan degmadaasi isaga iyo Ergadii uu hogaaminayey.  Ugaaska ayaa dhinaca kale waxaa uu ka hadley Mowqifkiisa iyo aragtidiisa ku aadan Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka.

Ugaas Xasan ayaa sheegay sababaha Luuq ay ugu soo laabteen in ay la xariirto wada tashi xaga beelaha ah, isagoo sheegayna in uu qabo fikir ahaan in la dhiso Maamul Goboleed ay ku midaysan yihiin Gobolada Gedo, J/dhex iyo J/hoose, balse waxaa uu tilmaamay hanaanka loo marayo in uu qaldan yahay, isla markaana xilligan ayan jirin Cid ka socota Beesha Macalinweyne oo ka qeyb galaysa shirka ka soconaya Kismaayo.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/03/Ugaaska_Macalin_weyne.mp3-audio-mpeg-Objekt.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Cabdi Faarax,
Muqdisho, Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com