Meydadka Askar Ka Tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Laga Hellay Degmada Deyniile.

0

Commanding officer issues orders to recently trained members of SNA on the western fringes of Somali capital MogadishuMuqdisho (AGGM): Waxaa saacadihii aynu soo dhaafnay siyaabo kala duwan loogu arkay qeybo ka mid ah degmada Deyniile ee gobollka Banaadir meydadka ciidamo ka tirsan xoogagga dalka Soomaaliyeed oo gaaraya ilaa afar askari.

Wararku waxaa ay sheegayaan in labo askari oo labisan dharka ciidamada meydkooda lagu arkay agagaarka xarunta wasaarrada gaashaandhiga, waxaana dad goob joogayaal ah sheegeen in labada askari ay toogeen rag ku hubeysnaa bastoolado oo weeraray xili ay marayeen agagaarka xarunta wasaarrada gaashaandhiga.

Sidoo kale labo askari oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegayaa in meydkooda lagu arkay agagaarka halka lagu magacaabo Ceel Tusbaxle, waxaana la sheegay in saakay uun meydkooda halkaa lagu arkay, waxaana dilkooda loo adeegsaday rasaas.

Waa tiradii ugu badneyd oo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo mar kaliya meydkooda la arko, iyadoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn cid dhab ahaan dilkooda ka danbeysay.

Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ay arintan ka soo saareen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Isha Ku hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com