Dowladda Mareykanka Oo Madaxa Horjoogayaasha Falaagada Al Shabaab Ee Ajnabiga Ah Dul Dhigtay Lacago.

0

shabaab ajnabiDowladda Mareykanka ayaa sheegtay in lacag dhan ilaa shan milyan oo doolar ku bixin doonto xogta ama macluumaadka la xiriira labo muwaadin oo u dhashay dalka Mareykanka oo lagu kala magacaabo Omar Hammami iyo Jehad Serwan Mostafa

War laga soo saaray wasaarrada arrimaha dibada dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in lagu bixin doono ama la sii doono cid kasta oo soo heshay xogta ku aadan labadaas horjooge lacag dhan shan milyan oo doolar.

Labada horjooge  ayaa ku jira ama ka tirsan dadkaa loogu doon doonista badan yahay ee ay ku raad joogto FBI-da Mareykanka, si cadaalada loo horkeeno, waxaana la rumeysan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan qeybo ka mid ah koonfurta dalka Soomaaliya.

Omar Hammami iyo Mostafa ayaa labada ka mid ah Kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo loo heysto inay galeen dambiyo kala duwan oo ku aadan falal argagixiso, waxaana labadan nin la aamisan yahay inay ku hadlaan luqadaha English, Arabic iyo Soomaaliga.

Abuu Mansuur Al-Amriiki oo ka soo jeeda Gobolka Alabama ayaa da’diisa lagu sheegay 29-sano jir, waxaana Soomaaliya uu yimaaday sanadkii 2006-dii, isagoo siiyay tababaro dagaalyahanada Shabaab, kana mid ahaa dagaalyahanada Ajaaniibta ee ka bar bar dagaalamay Al-Shabaab.

Mustafa oo la rumeysan yahay in da’diisu u dhexeyso 27 illaa 32 sano oo ku dhashay gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanak ayaa wuxuu Soomaaliya u safray sannadkii 2005, isago ku biiray dagaalyahannada Al-shabaab, isagoo ka mid ah dagaalgeliyayaasha xoogagga kooxdan.

Horay ayuu Mareykanku dhaqaalle faro badan u dul dhigay madaxa ragga horjoogayasha u ah Al-shabaab oo ay ka mid yihiin Cali Dheere, Fu’aad Shongole, Mukhaataar Roobow, Axmed Godane iyo rag kale oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee kooxda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com