Midowgga Yurub Oo Kordhinaya Dhaqaallihii Uu Ku Bixin Jiray Howlgalka AMISOM.

0

eu flagBrussels (AGGM):Midowgga Yurub ayaa sheegay in  lacago dheeraad ah ku kordhinayaan dhaaqaalihii ay ku bixin jireen howlgalka midowgga Africa ee AMISOM sida uu warbaahinta u sheegay Andrew Biasbosk oo ah madaxa hormarinta wadamada Midowga Yurub oo sheegay in ku kordhinayaan lacag dhan 33 milyan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Andrew ayaa sheegay in sababaha ay u ugu kordhinayaan dhaqaalihii ay AMISOM ayaa sheegay in ay tahay sidii ay howshooda ugu gudan lahaayeen sila markaane ay u heli lahaayeen tasiilaadka ay u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan nabad kusoo dabaalida dalka Soomaaliya.

Madaxa horumarinta wadamada Midowga Yurub Adrew Biasbosk ayaa sheegay in wadamada reer Yurub ay si buuxda u taageerayaan ciidamada nabad ilaalinta ka socda wadamada Afrika ee Amisom oo hada dagaal qaraar kula jira kooxda alshabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa gacan buuxda siinaya ciidamada Amisom ee taaageeraya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyadoona wadamada reer Yurub ay lacago fara badan ugu deeqeen dowlada Soomaaliya,waxayna ballan qaadeen iney mar walba barbar taagnaaan doonaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo xiligan kasoo kabanaya dagaaladii sokeeye oo mudada dheer ay kusoo jireen.

–Dhamaad–

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com