Weerar Naftii Halige Ah Oo Goor Dhaw Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0

lido8Muqdisho (AGGM): Weerar ismiidaamin oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa goor dhaw ka dhacay agagaarka Ex Fiyoore magaalada Muqdisho, sida la sheegay waqtigaa ay halkaa marayeen kolanyo gadiid ah oo uu la socday taliyaha ciidaamada nabad-sugida gobollka Banaadir Khaliif Axmed Erag.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxu geystay khasaare xoog leh, iyadoo la leeyahay waxaa uu dhaawac culus ka soo gaaray taliyaha ciidamada nabad-sugida, walow aan wararka si rasmi ah ilaa iyo hadda loo xaqiijin.

“Qaraxu waxyeello badan ayuu geystay, waxaa ku gubtay laba gaari oo kuwa dad weynaha ah iyo dadkii ay sideen, sidoo kalena waxaa ku dhintay dad badan oo ku jiray maqaayad ku taalla afka hore ee Ex-fiyoore,” ayuu yiri goobooge goobta ku sugnaa oo la hadlay warbaahinta.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ee Ex Fiyoore oo aad ugu dhaw mar ka la eego xarunta madaxtooyada waxaa xiligaa ku sugnaa dadweyne aad u faro badan oo qaarkood fadhiyay goobaha lagu shaaho ee wadada ku heer yaala.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegtay mas’uuliyada weerarka, sidoo kalana lama hayo tirada rasmiga ah dadka ku dhintay qaraxa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com