Saraakiisha Ammaanka Oo Guriceel Ku Qabtay 475 Milyan Oo Loo Waday Muqdisho.

0

Lacag-SoomaaliGuriceel (AGGM): Saraakiisha ammaanka ee magaalada Guriceel ee bartamaha Soomaaliya ayaa habeenkii Axadda qabtay lacag Soomaali dhan 475 milyan oo shilin oo loo waday qeybo ka mid ah gobollada koonfureed ee dalka si doollar loogu beddesho.

Isagoo xaqiijinaya qabashada lacagta, guddoomiye ku xigeenka degmada Cali Baashi Diiriye wuxuu sheegay in koox ganacasato gudaha ah ay isku dayayeen in lacagta ay ka dhoofiyaan gobolka oo ay geeyaan Muqdisho.

Wuxuu sheegay in haddii lacag intaas la eg la oggolaado in laga saaro gobolka, ay sababi karto sicir-barar maadama lacagta shilinka Soomaaliga ay gabaabsi ku tahay gobolka.

Wuxuu intaas ku daray in milkiilayaasha lacagta si kooban loogu xiray xabsiga ka hor intaan lagu sii dayn shuruud ah inaaney mar dambe isku dayin inay lacag ka dhoofiyaan gobolka.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa isaga kala gudbaya dalka iyagoo raadinaya lacagta Soomaaliga kaddib markii uu xoogeystay shilin Soomaaliga, taasoo keentay in maamullada dalka ka jira sida Puntland ay mamnuucdo in gobolladeeda laga dhoofiyo lacagta caddaanka ah ee shilinka Soomaaliga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com