Xukuumada Soomaaliya Oo sheegtay In Ay Qalabeyneyso Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

0

shird10Muqdisho (AGGM): Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo maalintii shalay booqday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in xukuumadu ka go’an tahay in ay qalabeyso ciidamada asluubta Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay ra’iisal wasaaraha in xaalada ay ku sugan yihiin ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ay tahay mid aad u adag wuxuuna tilmaamay iney tallaabo deg deg ah qaadayaan taasoo ay ku qalabwynayaan ciidamada asluubta si ay hawlahooda si habsami leh ugu gutaan,wuxuuna sheegay in ciidamada asluubta oo qayb ka ah ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

‘’Waa ay naga go’an tahay in ay ciidamada asluubta helleen dhamaan wixii qalab ah oo ay u baahnaayeen, arintaa waana go’aansanay,’’ ayuu yiri ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hadalka jeediyay mar uu soo booqday xabsiga dhexe ee Xamar oo dhawaan uu ka dilaacay cudurka shuban biyoodka, isaga oo sheegay in sidoo kale hubin doonaaan xaalada caafimaad ee xabsiga dhexe, lana socon doonaan caafimaadka maxaabiista ku jirta xabsiga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com