Taliska AMISOM Oo Sheegay In Uu La Shaqeynayo Hogaanka Cusub Ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

0

African-Union-Mission-in-Somalia-AMISOMMuqdisho (AGGM): Andrew Gutti oo ah taliyaha ciidamada midowgga Africa AMISOM ayaa sheegay in ay si buuxda ula shaqeynayaan hogaanka cusub ee ciidamada xoogga dalka, kadib markii dhawaan madaxweyaha dowladda Soomaaliya uu wareegto ku magacaabay.

Waxaa uu sheegay taliyaha ciidamada midowgga Africa AMISOM ay si buuxda ula shaqeyn doonaan taliyayaasha cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, horayna u sii wadi doonaan dagaallada ka dhan-ka kooxaha argagixisada oo uu ula jeeday Al-shabaab.

Andrew Gutti, waxaa uu amaanay taliyayaashii hore ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo abaanduulihii hore C/kariin Yuusuf Aadan Dhagabadan oo sida uu sheegay ay isla soo qaateen waqti adag.

‘’Waxaan balan-qaadeynaa in aynu si buuxda ula shaqeyn doono hogaanka cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,’’ayuu yiri taliyaha ciidamada midowgga Africa AMISOM.

hogaanka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa loo magaacabay taliyayaal cusub, kadib markii xilalka laga qaaday taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka iyo ku-xigeenkiisii.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com