Ra’iisal Wasaaraha Oo Soo Dhoweeyey Sii Deynta Weriye Cabdicasiis.

0

R.Wasaare SaacidMuqdisho (AGGM): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa soo dhoweeyey sii deynta weriye Cabdicasiis Ibraahim Koronto oo in muddo ah ku jiray xabsiga.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday maanta oo ay taariikhdu tahay March 17, in la sii daayay weriye Koronto, waxayna arrintani ka dambeysay kadib markii maxkamada racfaanku dib u-furtay dacwadiisa. Ra’iisal Wasaaraha oo arrintas soo dhaweeyay ayaan horaan ka dalbaday hay’adda garsoorka in dacwada weriyaha la marsiiyo wado waafaqsan sharciga.

“Runtii waa talaabo wanaagsan, sii deynta weriyaha, waana soo dhoweyneynaa” ayuu yiri R.wasaaraha oo intaasi ku daray in dawladdu ay adkeyneyso balanqaadeeda ku aadan illaalinta xuquuqda wariyeyaasha iyo xurmeynta xorriyadda qawlka.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa xusay inuu si weyn hoos ugu dhacay weeraradii loo gaysan suxufiyiinta ayna wali taagan tahay abaalmarintii $50,000 (konton kun oo Dollar) ee lagu bixinayay cidii soo sheegta dhagar qabayaasha wax-yeelada ugu gaysta wariyeyaasha. Wuxuuna kula dardaarmay bahda warfaafinta inay ka qeybqaataan dib u-dhiska iyo horumarinta dalka, si loo helo nabad iyo xasilooni waarta.

—-DHAMAAD—–

Ahmed Adan
Madaxa Xafiiska Warfaafinta
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com