Maleeshiyada Falaagada Al Shabaab Oo Dib U Qabsatay Magaalada Xuddur.

0

Baydhabo27Baydhabo (AGGM): Maleeshiyada al-Shabaab ayaa maanta dib ula wareegtay gacan ku haynta magaalo madaxda gobolka Bakool ee Xuddur, iyadoo uusan dhicin wax dagaal ah.

La wareegista al-Shabaab ee Xuddur ayaa timid kaddib markii ciidanka maamulka dowladda ee gobolka Bakool iyo kuwa dowladda Itoobiya ee halkaas joogay ay isaga baxeen magaalada, iyagoo degay duleedka magaalada.

Lama garanayo sababta ay ciidanka uga baxeen magaalada.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bakool iyo kan degmada Xuddur ayaa la sheegay inay u dhaqaaqeen dhinaca Ceelbarde, wax hadal ahna kama aaney soo saarin sababta ay uga baxeen magaalada.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab oo qaarkood ay wejiyada u duuban yihiin lagu arkayo waddooyinka magaalada, xiisad ayaana ka taagan magaalada.

Horjoogayaasha al-Shabaaab weli si rasmi ah ugama hadlin dib u qabsashada magaalada Xuddur oo maleeshiyaadkooda laga saaray 22-kii March 2012.

Qabsashada al-Shabaab ee degmada Xuddur ayaa imaaneysa iyadoo 25 xildhibaan oo ka soo jeeda gobollada Baay iyo Bakool ay shalay gaareen magaalada Baydhabo, kuwaas oo dadaal ugu jira sidii maamul loogu sameyn lahaa gobolladaas, isla markaana looga sifeyn lahaa maleeshiyada al-Shabaab deegaannada ay weli uga sugan tahay gobolladaas.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com