Maamulka Gobolka Bay Oo Sheegay In Uu Duulaan Ku Yahay Deegaannada Ku Haray Gacanta Al-shabaab.

0

alshababBaydhabo (AGGM): Guddoomiyaha gobollka Bay ee dowladda Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosoow ayaa sheegay in ay dhawaan duulaan ku yihiin sida uu hadalka u dhigay deegaannada wali ku harsan gacanta maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaall maalintii shalay ka dhacay meel 30km dulleedka kaga beegan magaalada Baydhabo ciidamada dowladda kala wareegeen fariisimo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, isaga oo intaa raaciyay in talaabadaas ay qaadeen ciidamada qeyb ka tahay qorshayaal gobollka oo dhan looga sifeynayo Al-shabaab.

‘’Kulamo ayaan maalmihii ugu danbeeyay arintaa ka laheyn annaga iyo saraakiisha dowladda iyo kuwa Itoobiya, kulamadaas waa ay soo dhamaadeen, dhawaanna waxaa qaadi doonaa duulaan ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobollka Bay.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii aynu soo dhaafnay ay soo baxayeen warar sheegaya in ciidamada dowladda iyo gobollkaas sameeyeen gadood la xiriira mishaar la’aan mudo dheer soo food saartay, iyaga oo la sheegay in ay ka soo baxeen agag ay horay ugu sugnaayeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com