Wasiirru Dowlaha Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya Oo Booqday Diblomaasiyiin Tababar Uga Socdo Dalka Koonfur Africa.

0

south africaSouth Africa (AGGM) Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dowladda Soomaliya Mahdi Max’uud Cali ayaa ku booqday 21 diblomaasi oo wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ka tirsan kuwaasoo uu tababar uga socdo hotel-ka Protea Hatfield ee caasimadda South Africa ee Pretoria.

Wasiiru dowlaha oo booqashadiisa diblomaasiyiinta Soomaalida uu ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee wadanka South Africa Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi ayaa waxa uu bogaadiyay howlaha kala duwan ee Safaaradda ay u qabato bulshada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka South Africa iyo dadaalada wax ku oolka ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ay ku dooneyso tayeynta diblomaasiyiinta iyo dardar gelinta xiriirka dibadda.

Mar uu wasiiru dowlaha ka hadlayay arrimaha amniga iyo sarifka lacagaha qalaad , ayuu sheegay in dowladda ama wasaarrada arrimaha dibada si dhaw ula socto arinta la xiriirta hoos u dhaca ku yimid sarifk doolarka.

‘’ Dowladdu waxa ay heysaa xogta dhabta ah ee dadka ku lugta leh inay ku cayaaraan sarifka suuqa iyo sicirka badeecadaha kala duwan , waxaa naga go’aan ah inaan dhowaan ku faafino wadanka lacago cusub oo shilin Soomaali ,iyadoo la horumarinayo shaqada bankiga dhexe ee la socodka isbadalada suuqa , waxaana taa barbar socon doona ciidamo cusub oo guur guura oo heegan ah oo ka wada howlgali doona xaafadaha kala duwan ee caasimadda Muqdisho, si ay u xakameeyaan  hubka sharci darada ah iyo weerarada cabsi gelinta ah”.

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda FS Mahdi Max’uud Cali oo South Africa uga qeybgalay kulan ay iskugu yimaadeen qaar ka mid ah wadamada Africa ee u gudbaya hanaanka dimoqraadiyadda iyo doorashada xorta ah ayaa waxa uu amaanay Saraakiisha Taliska Xoogga dalka Soomaaliya ee uu saameeyay go’aanka xil ka qaasita , isagoo cadeeyay in dowladdu ay ilaalin doonto , ayna daryeeli doonto saraakiishaasi iyo kuwa kale ee u taagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud
allgalgaduud@gmail.com