Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Ka Warbixiyey Shirkii Uu Uga Qeybgalay Dalka Sacuudiga Iyo Waxyaabihii Looga Hadlay.

0

shirka-wasiirada-carabtaRiyad (AGGM) Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo ka qeyb galay shirka wasiirada arrimaha gudaha dalalka Jaamacada Carabta oo lagu qabtay dalka sacuudiga ayaa ka warbixiyey wax yaabihii looga hadlay shirkaasi gaar ahaan kuwii khuseeyey Soomaaliya, wasiirka ayaa sheegay in wasiirada arrimaha gudaha ee Jaamacada Carabta ay isla garteen sidii iskaashi looga yeelan lahaa dagaalyahanada ka jira qaar kamid ah wadamada Carabta, isagoo tilmaamay in meel la isla dhigay ka shaqeynta nabad gelyada dalalka ku bohoobay ururka Jaamacada Carabta.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in uu kulamo la qaatay qaar kamid ah wasiirada arrimaha gudaha ee dalalka Carabta waxa uuna xusay in ay ku farxeen xaalada imika Soomaaliya ay ku sugantahay, wuxuuna sheegay in wasiiradaasi ay balan qaadeen in ay garab istaagayaan caawimaadna u sameyn doonaan Soomaaliya, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shirka wasiirada arimaha gudaha ee dalalka jaamacada carabta oo mudo labo maalmood ah ka socday dalka Sacuudiga maamlinnimadii doraadna ku soo gabagaboobay halkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud
allgalgaduud@gmail.com