Diyaarada Yemen Airways Oo Ka Hawl Galeysa Magaalada Muqdisho Dhawaan Kadib Markii Amaanka Magalada Uu Hagaagay.

0

yemenairMuqdisho (AGGM): Maamulka Diyaarada Yemen Airways ayaa waxay shaaciyeen in diyaaradu ay ka hawl geleyso Magaalada Muqdisho dhawaan, isla-markaana ay ku faraxsan yihiin amuurtaasi.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumada C/Laahi Ciilmooge Xersi, ayaa wuxuu maanta uu Magaalada Muqdisho uu ku qaabilay Wefdi uu horkacaayay Agaasime Ku Xigeenka Shirkadda Diyaaradaha ee Yemen Airways Muhsin Ali Haydar.

Shir jaraa’id oo markii dambe ay ku wada qabteen Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxay ku sheegeen in diyaarada Yemen Airways ay ka shaqo bilaabeyso Magaalada Muqdisho.

C/Laahi Ciilmooge Xersi ayaa wuxuu sheegay in Xukuumada Somaliya ay si weyn u soo dhaweyneyso arintaan, waxayna Yemen Airways Magaalada Muqdisho dib uga hawl geleysaa muddo 22 sano kadib.

Muhsin Ali Haydar ayaa Saxaafada u xaqiijiyay in Yemen Airways ay ka hawl bilaabeyso Magaalada Muqdisho, sidoo kalana wuxuu sheegay inay ku faraxsan yihiin tallaabadaan horumarineyd.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com