Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanka Awdiinle, Baay.

0

Ciidamada dowladda federalkaBaay (AGGM): Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay la wareegay gacan ku haynta deegaanka Awdiinle  oo 30 kilo mitir galbeed ka jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaddib dagaal muddo kooban socday oo ay la galeen maleeshiyada al-Shabaab.

Saddex qof oo dhinacyadii dagaallamayay ah ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen dagaalka.

Yuunis Aadan Xasan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada ee dagaalka hoggaaminaysay ayaa sheegay inay maleeshiyada al-Shabaab khasaare xoog leh ku gaarsiiyeen dagaalka, in kastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashadiisa.

Sarkaalka wuxuu sheegay inay sii wadi-doonaan howlgallada ay kula wareegayaan deegaannada kale ee ay al-Shabaab kaga sugan tahay gobolka Baay.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo ka samaysteen goobaha muhiimka ah ee Awdiinle oo ay dhowr jeer oo hore ay kula dagaallameen maleeshiyada al-Shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud
allgalgaduud@gmail.com