Dowladda Turkiga Oo Markab Mucaawino Sida Usoo Diray Magaalada Muqdisho.

0

Turkey-Flag-PhotoMuqdisho (AGGM): Todobaadka soo socda ayaa la filayaa inuu dekada magaalada Muqdisho kusoo xirto Markabka ka yimid dalka Turkiga oo mucaawino badan u sida dalka Soomaaliya.

Markabkan ayaa waxaa saaran mucaawino ka timid Hay’ada Bisha Cas ee dalka Turkiga wuxuuna sidaa qalab isugu jira Qalabka Dhismaha, gargaar cunto oo isugu jira Sonkor iyo Bur. Markabkan ayaa Arbacadii kasoo furtay Dekkada Derince ee gobalka Kocaeli, waqooyiga dalkaasi Turkiga.

Markabkan ayaa marka uu soo gaaro magaalada Muqdisho wuxuu ku sugnaan doonaa 15 maalmood oo laga dajinayo qalabka saaran, waxayna qeyb ka tahay deeqda caalamiga ah ee dalka Turkiga u fidinayo Soomaaliya sida uu sheegay Utku Calim oo madaxa Barnaamijka Caalamiga ah ee Hay’ada Bisha Cas ee Turkiga.

Deeqda saaran Markabkan ayaa la filayaa in loo qeybiyo in ka badan 2700 oo qoys oo Soomaali ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com