Wasiirrka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Muqdisho Kulan Kula Qaadatay Xubno Ka Socda Beesha Calaam-ka.*Daawo Sawirada*

0

fowMuqdisho (AGGM): Ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirrka wasaarrada arrimaha dibada xukuumada Soomaliya marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa magaalada Muqdisho ku qaabisha wafdi isugu jiray safiirada caalam-ka iyo dalalka danbeeya arrimaha Soomaliay, oo ay ka wada hadlleen arrimo la xiriira xaalada dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyda siyaasada iyo nabad-galyada.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo markii uu kulanka soo dhamaaday warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in kulanka uu ahaa mid ahmiyad gaar ah siinayay sidii ay beesha caalam-ku wax badan uga ogaan laheyd hormarada ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan marka la eego dhinacyada siyaasada, nabad-galyada iyo dib u hishisiinta.

‘’Shirkan waxaa uu ahaa mid leysku xog wareysanayay, sidoo kalana waxaa uu gogol xaar u ahaa shir la filayo in bisha May uu ka furmo magaalada London,’’ ayeey tiri marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Sidoo kale waxaa warbaahinta la hadllay mas’uul ka tirsan wasaarrada arrimaha dibada oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guulaha kala duwan oo ay mudo gaaban ku talaabsatay dowlada, isaga oo sheegay in beesha caalam-ku arintaa siweyn u daneynayaan.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay mas’uulkaasi in la kordhiyay waqtigii howlgalka midowgga Africa AMISOM oo lagu darray mudo kale oo sanad ah si ay wax badan uga qabtaan arrimaha la xiriira dagaallka ka dhan-ka kooxaha argagixisada.

Bisha May ee sanadkan ayaa la filayaa in uu magaalada London ee dalka Britain ka furmo shir looga hadllayo xaalada Soomaaliya, kaasoo ay wada u soo qaban-qaabiyeen dowladda Soomaaliya iyo Britain.

fow

fow1

fow2

fow4

fow3
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com