Warsaxaafadeed: Shirkii Golaha Wasiirada Ee Maanta Oo Looga Dooday Falal Dilal Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho Todobaadkan.*Daawo Sawirada+Video*

0

IMG_4298Muqdisho (AGGM): Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen warbixin ku aadan safarka R.waaaraha iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ay ku tageen degaanada Puntland iyo Galmudug iyo dilal maalmihii ugu dambeeyey ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu horeyntii ka hadlay safarkii uu ku tegay degaanada maamulada Puntland iyo Galmudug, wuxuuna ku tilmaamay inay natiijo wanaagsan oo la taaban karo ay ka soo baxday, wuxuuna mar kale u mahadceliyay shacabka degaanadaasi oo uu sheegay inay si weyn u soo dhoweeyeen.

“Golaha Wasiirada markii aan hor dhigay natiijada safaradii Puntland iyo Galmudug iyo heshiisyadii iyo isgaradkii na dhex maray, aadbey u soo dhoweeyeen weyna ila qateeen” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo si gaar ah ugu mahadceliyay labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ka jawaabay warar soo baxay oo sheegayay in aan natiijo ka soo bixin kulanka Galmudug, balse wuxuu nasiib darro ku tilmaamay warkaasi, “Warkaasi ma aheyn mid aanu fileynay, mana ahan mid haboon, sababtoo ah wadahadalada Galmudug na dhex maray waxay ahaayeen kuwo sii soconaya oo aan dhamaan, waxaana ku balanay in Bishan Maarso 25-keeda, lagu soo gabagabeeyo Muqdisho oo aan ku martiqaadno” ayuu yiri R.wasaare Saacid oo hoosta ka xariiqay in Galmudug ay ka mid aheyd maamuladii udub dhexaadka u ahaa in laga gudbo kumeel gaarka, loona gudbo dowlad rasmi ah, mar kastana ay xushmo iyo qadarin u hayaan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale, xusay in goluhu si adag uga doodeen, falal dilal ah, oo goobo kala duwan ka dhacay kuwaasoo lagu dilay dhalinyaro, wuxuuna xusay in arrintaasi ay aad uga xunyihiin, ayna u saareen guddi ka kooban saddex Wasaaradood, oo kala ah, Wasaaradda Garsoorka, Wasaaradda A. Gudaha iyo Wasaaradda Warfaafinta.

“Guddigan waxaan ka sugeynaa warbixin rasmi ah, oo mida haatan aanu heyno ka badan, waxaana si gaar ah u iclaaminay shir aan caadi aheyn oo arrintan looga hadli doono oo golaha Wasiiradu yeelan doonaan maalinta Talaadada ee soo socota” ayuu yiri Mudane Saacid oo xusay in muhiimada dowladdu tahay illaalinta xaquuqda aadanaha iyo xorriyatul qowlka.

—DHAMAAD—

IMG_4298

IMG_4291 (51)

Garad Salad Hersi
Press officer

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com