Maamulka Dowladda Ee Gobolka Galguduud Oo Kala Qaaday Maleeshiyo Is Hor Fadhisay.

0

maleeshiyo beeleedCaabudwaaq (AGGM); Maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay kala qaadidda maleeshiyo beeleed isku hor fadhisay tuulada Ismadhaqo oo 60 km u jirta magaalada Ballanballe.

Afar qof ayaa ku dhimatay shan qof oo kalena waa ay ku dhaawacantay dagaal ka dhacay tuulada Ismadhaqo oo dhex maray labo beelood oo reer miyi ah, kuwaas oo isku khilaafay baraago laga cabbo biyaha oo laga sameynayay deegaanka.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Yuusuf  Xasan Ciyow ayaa Bar-kulan u sheegay in ay ku guuleysteen inay heshiisiiyaan beelaha ay colaaddu dhex martay, isagoo sheegay in la go’aamiyay in labada beelood aanay iman karin baraagaha ay ku dagaallameen.

Ciyow wuxuu kaloo sheegay in labada beelood ay isu celiyeen qoryo ay kala furteen muddadii uu dagaalka socday.

Wuxuu xusay in maamulku uu gacan weyn ka geystay xallinta khilaafka, isla markaana uu ku boorriyay culumaa’uddiinka, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka in ay ka qeyb qaataan sidii looga hor-tegi lahaa inay mar kale beelahaas dagaallamaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com