Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Oo Si Rasmi Ah Xilalka Ulla Kala Wareegay.

0

ciidankaMuqdisho (AGGM)Munaasabad siweyn loo soo agaasimay oo ay kaqeybgaleen saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed sida taliyahii hore ee xoogga Gen.C/qaadir Sheekh Cali Diini abaanduulihii hore ee Ciidamada Mileteriga iyo hogaanka cusub ee ciidamada xooga dalka loo magacaabay dhawaan ayaa Maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.

Xafladan oo ujeedkeedu ahaa xilwareejinta taliyihii iyo abaanduulihii hore ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa sidoo kale kaqeybgalay taliyayaasha gaasaska xoogga dalka, kuwa Guutooyinka, Ururada, iyo sidoo kale saraakiil kasocotay ciidamada AMISOM.

Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Gen.C/qaadir Sheekh cali Diini oo ugu horeyn goobta kahadlay Ayaa uga mahadceliyay saraakiisha xoogga dalka howsha adag ee ay dalka ka qabteen intii ay socdeen Dagaaladii dalka looga xoreynayay kooxda Al-Shabaab waxa uuna ugu baaqay inay la shaqeeyaan Saraakiisha cusub ee xilka maanta la wareegay.

Taliyaha cusub ee ciidamada Mileteriga Soomaaliya Sareeye Guuto Daahir Aadan Cilmi  oo sina goobta Kahadlay ayaa tilmaamay in ciidamada xoogga lasoo gaarsiiyay heer aad u wanaagsan oo mudan in laga Sii amba qaado marka la eego sida ay 20kii sano ee lasoo dhaafay u burbureen ciidamada xooga iyo sida Ay saraakiishan maanta xilka wareejiyay oo kaashanaya madaxda qaranka ay usoo nooleeyeen awooda Ciidamada qalabka sida ee uu Mileterigu kamidyahay .

Abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka Gen.C/kariim Yuusuf Aadan Dhagabadan ayaa isna ugu Hambalyeeyay abaanduulaha iyo taliyaha cusub howsha adag ee loo xilsaaray waxa uuna xusay in halkii Ay iyagu soo gaarsiiyeen meel ka wanaagsan ay geyn doonaan hogaankan cusub.

Abaanduulaha cusub ee ciidamada xooga dalka Gen.C/risaaq Khaliif Cilmi  ayaa isna dhankiisa siweyn Ugu amaanay Gen.Dhagabadan iyo Gen.Diini waqtigii adkaa ee ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed kasoo Gudbiyeen isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed eysan marnaba halmaami doonin howshii adkeyd ee ay usoo qabteen.

Intii ay socotay munaasabadan ayaa waxaa heeso ka turjumaya sida ay ciidamada xooggu lafdhabarka Ugu yihiin dalka kasoo jeediyay fanaaniinta kooxda Horseed ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Iyadoo kooxda Baambeyda Mileteriguna ay goobta wacdaro ka dhigeen.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com