Iskuulki Bartamaha Ee Magaalada Muqdisho Oo Dib Loo Hoowlgaliyay.

0

ardayMuqdisho (AGGM): Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dib u howl galisay dugsigii Bartamaha ee degmada Shangaani, halkaas oo ay wax ku baran doonaan arday dan yar oo xarrumo KMG ahaa wax ku baray jiray gudaha degmada Boondheere.

Ardadan oo tiradooda ay gaareyso 720 ayaa waxa xarrumihii ay awax ku baran jireen ee degmada Boondheere ku taakuleyn jirey hay’ad Turki ah, taas oo kaalmadii ka joojisay.

Wasaaradda horrumarinta adeegga bulshada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay dib u howl galinta dugsigii bartamaha, iyadoo ardaydii danta ahayd ee Boondheere wax ku baran jirayna loo soo wareejiyay dugsi Bartamaha.

Cali Axmed Guure oo ah guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dadaal badan u galeen dib u howl galinta dugsigaasi bartamaha iyo in aanu dayac ku imaan ardaydii danyarta ahayd.

Cali ayaa ardayda oo isugu jira wiilal iyo gabdhaba ku wareejiyay wasaaradda horrumarinta adeegga bulshada ee dowladda Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeennada wasaaraddaasi Bashiir Maxmed Jaamac iyo Maxamuud Macalin Yaxye ayaa sheegay in tani ay bilow u tahay qorshaha wasaaraddooda ay wax ku bareyso illaa iyo hal miliyan oo caruur Soomaaliyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com