Dowladda Oo Sheegtay In Ay Wax Ka Qabtay Hoos Udhaca Sarifka Doolarka.

0

dollarMuqdisho (AGGM): Iyadoo jawareer weyn uu ka heysto shacabka magaalada Muqdisho is badbadalka sarifka doolarka iyo sare u kaca maciishada, ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ay guul ka gaareen wax ka qabashada hoos u dhaca doolarka oo sida uu sheegay hadda laga dareemayo in uu sare u kacayo.

Waxaa uu sheegay in ay soo gaarsiiyeen $ 1 doolar in magaalada Muqdisho kula kala sarifto lacag dhan 17 kun oo shilin Soomaali ah, halka markii hore la siin jiray 15 kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Wasaarrada maaliyada xukuumada Soomaaliya ayaa dhawaan ku hanjabtay in ay dalka keeeni doonto lacago shilin Soomaali ah, madaama sida ay sheegtay dhibaatada ugu weyn ee ka taagan magaalada caasimada ah sabab u yihiin ganacsatada oo sida ay wasaaradu sheegtay xareystay dhamaan lacagtii shilin Soomaaliga aheyd.

Ra’iisal wasaare Saacid waxaa uu sheegay in ay wixii hadda ka danbeeya ay doonayaan in leysku dheeli tiro sarifka doolarka iyo qiimaha maciishada, simarkaa lacagtu qiimo u yeelato qoysaska Soomaaliyeedna u heleen maciishad ku jaan go’an lacagta ay hadba heystaan.

Todobadyadii ugu danbeeyay bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho waxaa ay cabasho xoog leh ka muujinayeen dhibaato ka soo food saartay sarifka doolarka oo hoos u dhac ku yimid iyo qiimaha maciishada oo cirka isku shareertay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com