Tolow Xildhibaan Cabdirashiid Xidig Maxaa Qaaday?

0

xidig iyo madoobeSida aanu ka warhayno maal mahan dabe waxaa Idaacadaha  Afka-soomaaliga ku hadla iyo websityada ay hadal hayaan Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliyeed , isagoo  eedeeymo hawada u marinaya madaxda dowl-adda , mana lagu aqoon siyaasadda cusub ee uu haatan la soo baxay .

Dadka qaar ayaa isweydiinaya xiligan xildhibaan Cabdirashiid Xidig waxa ku kalifay  isagoo xildhibaan qaran ah in uu u ole oleeyo qaab qaabiil oo muuqda islamarkaasa uu eedeeymo hawada u mariyo madaxda dowl-dda isagoo sidoo kale  qaar ka mid ah ciidamada DFS ee ka yimid gobolka Gedo ku tilmaamay in ay yihiin Al-shabab .

Xildhibaan  Cabdirashiid Xidig waxa uu ka mid ahaa maamulkii isbahaysiga dooxada-jubba  ee uu hogaamiyaha u ahaa Korneel: Bare Aadan Shire (Hiiraalle) isagoo waliba ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon ee aaminsaa ra,yiga isbahaysiga , xiligaas oo ay dagaalo xoogan la galeen ciidamadii uu hogaaminayay Janeral:Maxamed Siciid Xirsi Moorgan iyo sidoo kale midowgii Maxaakiimta.

Sikastaba ha ahaatee waxaa la saadaalin karaan in kacdoonkan cusub ee uu la soo baxay xildhibaan Cabdirashiid Xidig ay asal u tahay Labbo arrin midkood, waa midda koowaade waa nin siyaasadda ku soo dhax jiray in middo ah xilal kala duwanna ka soo qabtay dowladihii ku meelgaarka ahaa,oo wuxuu rabay in xilka wasiirnimo ee beeshiisa isaga la siiyo sidii horayba uu u qaadan jiray.

Waa midda labaade marka uu arkay in ciidamo ka mid ah beeshiisa ee la magac baxay Raaskaanbooni awoodna ku leh Kismaayo uu is jiri garab ku sii sidii hindisaha siyaasadeed ee ay ku doonayaan in ay hantaan awoodda maamul goboleedka Jubbaland.

Waana midda la saadaalinayo asal ahaan  awooda maamulka Jubbaland in uu  u gacan galiyo beeshiisa.

Horaa loo yiri siyaasadu saaxiib joogtaa malahan ee waxay lee dahay dan joogtaa, waxaan kawar dhowraynaa xaaladda siyaasadeed ee xildhibaan  Cabrashiid Xidig iyo Axmed  Islaam Madoobe halka ay ku danbayn doonto , iyadooba laga cabsi qabo in uu waayo xubinnimada ka mid noqoshada baarlamaanka , waxaana la oran karaa waa ninkiin ugu horeeyay ee qaab qabiil laga dhan dhansan karo ee ka mid ah golaha shacabka Soomaaliyeed ee aan ku meel gaarrka ahayn.

Falaqayn: Wariye Maxamed Bashiir

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com